
SOMALI PRESIDENT
ABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME
AVV. Abdirahman Abdishakur Warsame wuxuu ku dhashay degmeda B/burte ee
Gobolka Hiiraan dabayaaqadii lixdimaadkiI.

Waxbarashadiisa.
- Wuxuu tacliintiisii Hoose/ Dhexe iyo sare ku qaatay isla Degmadda Buuloburte
isagoo labo sano oo gurmadka qaranka ah ku qaatay isla degmadaas - Craxmaan wuxuu shahaadadiisii koowaad ee jamacadda ka qaadatay Jaamacadda
Caalamiga ah ee Afrika ee wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciyada, isagoo
Shahadadii labaad Masters Degree ku sameeyey (LAW COMPARATIVE
FEDERALISM) wadanka Malaysia Jaamacada National University Of Malasia. - Wuxuu koorsooyin la xiriira Qorsheynta, hogaanka maamulka, Xallinta
Khilaafaadka, Dhismaha Nabadda Xariirka istaraatiijiyaadka ku sameeyey
Machadka Hogaanka iyo Maamulka ee London.
KHIRBADAHA SHAQO
- C/raxmaan ka hor intii uusan ku biirin siyaasada wuxuu ka shaqeeyey arrimaha
Samafalka asagoo madax ka noqday Hay’atul culyaa. - Wuxuu kaloo ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda siyaasadeed ee dadka
Soomaaliyeed isagoo ka mid ahaa aasaasayaashii Somali Concern Group iyo Somalia Diaspora Conference. - Wuxuu madax ka noqday Xarunta Islaamiga ah ee Waqooyiga London oo ah xarunta sedexaad ee Dalka Ingiriiska ugu wayn.
- Wuxuu ka shaqeeyey saxaafadda isagoo tafatire ka ahaa website goobjoog iyo
majaladda Hiiraal. - Wuxuu xubin joogta ah ahaa mudo 10 ka badan xarunta daraasaadka xiriirka
dawliga ah ee Chatam House. - Wuxuu kaloo garwadeen ka ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti isagoo madax u ahaa wafdigii wadahadallada u matalayey isbaheysigii dib uxoreynta Somaliya
halkaasoo lagu soo dhisay dawlada haatan mireheeda la guranayo. - Craxmaan wuxuu noqday xubin Baarlamaanka ka tirsan isagoo loo magacaabay
wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DKMG.
Metelaadda Soomaaliya.
Wuxuu Soomaaliya u metalay shirarka heer gobol iyo caalami ah oo badan,
isagoo gudoomiyey markii ugu hiraysay mudo 20 sano ah oo ay Somaliya shir gudoon
ka noqotay Golaha wasiirada Arrimaha debeda ee jaamacadda carabta ee ka dhacay
dalka masar , halkaasoo wasiiradii iyo safiiradii shirka ka qeyb galay ay Somaliya ugu
Hambalyeeyeen ammaan ugu soo jeediyeen qaabkii uu shirka u hagay Mr Cabdiraxman
gaar ahaan Xirafaddii iyo Diblomaasiyadda uu muujiey markii khilaaf xoog badani soo
kala dhex galay waddamada Ciraaq iyo Suuriya ay guddi uu Mr Cabdiraxman
Hogaaminayey ku guuleysteen iney khilaafkaas dhaqso u xaliyaan.
Craxmaan wuxuu shirkii Kampala ee lagu saxiixay heshiiska Roadmap ka u metelay
Baarlamaanka, halkaasoo ay Gudoomiyihii Barlamaanka iyo Madaxwynaha ku kala
saxiixayey Kampala Accord


Xilalkii uu soo qabtay
Craxmaan wuxuu la taliye mudo sanad iyo bar ku dhowaad ah u ahaa Madaxweyne
Xasan Sheikh isagoo so gooni ah ugu xilsaarnaa Shirkii London, kana qaybqaatay wada
hadalkii Jubaland iyo Dawlada Federaalka ah..
Craxmaan wuxuu iska casilay xilkaas kadib markii ay Isla jaanqaadi waayeen ragii
tallada Dalka isku meeray. Wuxuu Craxmaan la Taliye Sare ee Arrimaha Siyaasada u
noqday Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud we Qaramada Midoobay u qaabilaan
Arrimaha Soomaaliya Ambasador Nicolas Kay iyo sidoo kale Micheal Keating Halkaasoo
uu kala shaqeeyey Arrimaha dhismaha dawlad goboleedyadda, dib u eegista dastuurka,
diyaarinta hanaanka doorashooyinka iyo dejinta siyaasadda Amniga.
Craxmaan waa nin aqoon u leh Diinta Islaamka, gaar ahaan si qoto dheer u darsay
Falsafadda iyo fikir ka Islaamiga ah ee mucaasarka ah.
Craxmaan wuxuu qayb ka ahaa kulamo watashi siyaasadeed oo joogta ahaa kuwaasoo
ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Natiijadii watashiyadaas Waxaa ka soo baxay
dhownahay Xisbiga Wadajir. Xisbiga Wadajir ayaa ugu danbayn go’aansaday in Mudane
Craxmaan uu noqdo Musharax u taagan xilka madaxtinimadda dalka.
Mudane Craxmaan Cshakuur Waa siyaasi aqoon, waaya aragtino iyo sooyaal
siyaasadeed oo jireen ah leh. Waa xog ogaal xaaladihii siyaasadeed ee uu dalka soo
maray, waa geesi, karti iyo dulqaad badan. Craxmaan wuxuu ka mid yahay dadka yar ee
kulansaday aqoonta Maadaagi iyo tan diiniga ah, u furan dunidda Galbeeedka iyo
Carabta. Waa siyaasi dhextaal u ah jiilalka siyaasadeed ee Soomaaliya ku hardamaya.
Waa siyaasi galaangal u leh xoogaaga siyaasadeed ee kala Itijaaha duwan.
POLITICAL RESUME
Somali Presidential Candidate
Candidate
2014 -2015
Senior Political Advisor to the President
Senior Political Advisor
2009-2011
ARS Chief Negotiator of Djibouti talks
Chief Negotiator
2007
2016
Senior Political Advisor to the Special Representative of the Secretary-General for Somalia (SRSG)
Senior Political Advisor
2012 - 2013
Minister of National Planning and International Cooperation
Minister Member of Parliament
2008-2009
Deputy Chairman of the Alliance for the Re-liberation of Somalia
Deputy Chairman of the Alliance for the Re-liberation of Somalia