Waxaan ka mid ahaa xubno ka socda Isbahaysiga Isbedel-samaynta Soomaaliyee oo kulan la qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Machael Keating iyo ku xageenkiisa Rai Zenenga. Waxaan kala hadlaynay qodobo ay ka mid yihiin:
1- Sidii loo xakamayn lahaa musuqmaasuqa baahsan ee doorashooyinka iyo dadka arrinkaas ku lug leh.
2- Sida ugu haboon ee lagu jooji karo adeegsiga hantida qaranka iyo magacaabista xilalka qaran ee ololaha loo isticmaalayo.
3- In ay lagama maarmaan tahay in maamulka HirShabelle uu la xaajooda inta wax tabanaysa ee reer Hiraan iyo Shabeelada Dhexe. Kana fogaado in lagu boobo magaca maamulka kuraasta Aqalka Sare, dib u heshiisiin loo sameeyo maamulka iyo dadka ka maqan ee reer Hiiraan.